Kenya oo sheegtay in 75 cisho ku dhameystiri doonto dhismaha darbiga xadka Kenya iyo Soomaaliya

Wararka Maanta

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay si deg deg ah u dhameystiri doonto derbiga ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Somaliya , si looga baaqsado weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab.

Kenya waxa ay sheegtay inay qaadeyso tilaabo lagu dhameystiraayo 30-KM derbiga laga dhisaayo xuduuda Somaliya iyo Kenya u dhaxeysa.

Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Fredrick Shisia sheegay in derbiga xadka ammaanka la dhamaystiri doono January 2017 si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Dhismaha derbiga ammaanka xadka Soomaaliya ayaa dib u bilaaban doona sida ugu dhaqsiyaha badan, ka dib markii ay kordheen weerarada joogtada ah ka Xarakada Al-Shabaab ee Gobolka Mandheera waxaana ku dhameystiri doono 75 maalmood laga bilaabo Maanta,” ayuu yiri Shisia.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidankeeda ay ka hortagi doonaan in dagaalyahanada Al-Shabaab ay kasoo gudbaan xadka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa walaac xoogan ka qabta weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab ee ka dhacaaya gobolka Waqooyiga Bari ee dalka Kenya.

Todobaadkii hore weerar xarakada Al-shabaab ay ku qaadday Mandheera ayaa waxaa ku dhintay dad u badan Kenyaan,waxaana xilligaas kadib la geeyay Ciidan fara badan Xadka iyada oo sidoo kale Kenya ay Bandow 2 Bilood ah saartay Mandheera.

Comments are closed.