Kenya oo ku dhawaaqday Duqeyn ku wajahan Al-Shabaab deegaanka Laamu

Uncategorized

Ciidamada Difaaca Dalka kenya ee loo yaqaan KDF ayaa La Filayaa in ay Bilaabaan duqeyn Xoogan oo ka Dhan ah Dagaal yahanada Al-Shabaab ee Ku sugan Keynta Boni ee ismaamul Goboleedka Lamu.

Howlgalkaan ayaa La sheegay in uu ahaan Doono Mid Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ay Bambooyin ku Garaaci Doonaan Gudaha Keynta sida uu sheegay Agaasinka Dhanka Howlgalada ee Keynta Boni Joseph Kanyiri.

Sargaalkaan oo Warfidiyeenada kula Hadlay ismaamulka Lamu ayaa Ugu Baaqay Dadka shacabka ah Gaar ahaan Xoola Dhaqatada in ay Ka Fogaadaan Goobaha Gaar ahaan Agagaarka Keynta.

Mr Kinyiri ayaa sheegay in shacabka Laga Doonayo in 48 Saac ee soo aadan ay shacabka Kaga Fogaadaan Aagaasi Waxaa Isagoo intaa Raaciyay Cidii aan Qaadan Awaamiirtaas ay ula Macaamili Doonaan Sida Argagixsada.

Xoolo Dhaqato Badan oo Ku Nool ismaamulka Lamu ayaa Maalin Walba waxaa ay Daaq ugu Raadsadaan Gudaha Keynta Waxaana Marar Badan Saraakiisha Amaanka ay uga Digeen in Goobahaas Laga Fogaado.

Dhanka Kale Agaasinka Dhanka Howlgalada ismaamulka Lamu ayaa Dhibaato iyo Handadaad Dhanka Amniga ah ku hayaan shacabka Ku Nool ismaamulka Lamu oo Dhaca Gobolka Xeebta Dalka Kenya.

Dadka Rayidka ah ee Horay uga Barakacay Weerarada ku soo Noq Noqday aagaasi ayaa Dhankooda waxaa loogu Baaqay in ay ku sii sugnaadaan Xeryaha Dowladana ay Xaqiijin Doonto Amnigooda.

Baaqaan Ka soo Baxay Sargaalka ugu Sareeya Howlgalka keynta Boni ee Afka Kiswahiliga Loogu Yaqaan Linda Boni Waa Mr Joseph Kanyiri ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo Dagaal yahanada Gacan saarka La Leh Al-Shabaab Todobaadyadii la soo Dhaafay ay Kordhiyeen Weerarada ay Ka Geysanaayaan ismaamulkaasi.

 

Qore: Wariye Cabdi Qani Maxamed