C/laahi Colaad Rooble oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa ku guuleystay kursiga Baarlamaanka, kadib markii uu ku guuleystay Doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/laahi Colaad Rooble ayaa ka guuleystay xubnihii kale ee uu la tartamayay, waxaana uu ka mid noqday xubnaha Baarlamaanka cusub.
Sidoo kale Doorashada ka socota Magaalada Jowhar waxaa ku soo baxay Samiira Xasan C/lle iyo Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo 29 Cod kaga guuleystay murashixiinta la tartamaysay oo kala ahaa Bashiir Macallin Aaden iyo C/laahi Aaden Muuse.
Comments are closed.