Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la soo saaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee ahaa 8-dii xubnood ee iska dhex doortay Guddoomiye iyo Kuxigeen ayaa waxay goor dhow soo saareen jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Jadwalkan ayaa ku soo aaday, iyadoo Guddiga doorashada uu labo garab u kala qeybsamay, waxaana 5 ka mid ah Xubnaha Guddiga oo ahaa Xildhibaanada Ahlusuna ay sheegeen inay ka soo horjeedaan doorashada Guddoomiyaha Guddiga iyo qaabkii loo maray oo ay ku eedeeyeen faragelin ka timid dowladda Federaalka iyo inay awood u adeegsaneyso doorashada.

Shanta Xildhibaan ee matala Ahlusuna ee ku jiray Guddiga doorashada ayaa dhankooda sheegay inay soo saarayan jadwal kale oo doorasho, maadaama ay qaadaceen Guddiga la iska dhex doortay oo ay sheegeen inuu soo magacaabay Guddoomiye Gacal.

Kala qeybsanaanta cusub ee soo kala dhex gashay Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa la ogeyn saameynta uu ku yeelan karo habsami u socodka doorashada, haddii ay soo saaraan xubnaha shanta ah jadwal kale.

Halkan hoose ka akhriso Jadwalka doorashada:-