Godinlabe:Dhalinyara Wadajir oo ku baaqday in la dajiyo Xasrada Siyaasadeed ee Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ururka dhalinyarada Degmada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa dhankooda ku baaqay in Madaxda sare ee Galmudug hoos u xaliyaan Khilaafka siyaasadeed ee baryahaan hareeyay Maamulka Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Wadajir ee Godinlabe Cabdinaasir Cali Maxamed Wirwir oo lahadalay Ceelhuur.com ayaa yiri.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxda  sare ee galmudug in ay wadahal ku dhameeyaan Khilaafka ka jira dhexdooda waxaan usheegaa in ay miiska wada hadalka isla fadhiistaan oo ay dastuurka galmudug kukala baxaan waxaan

Gudoomiyaha Wadajir Godinlabe ayaa sidoo kale sheegay in xiisada ay sii kicinayso Faragalin kasocota Dowladda dhexe waxuuna yari asagoo ka hadlaya arintaas  Dowlada Soomaaliya waa in ay faragalinta ka deysaa  galmudug oo dhismaheeda dhiban laga soomaray , waxaan kaloo soodhaweynaa xildhibaanada labada Aqal ee uu taabtay xanuunka maamulkii laga soodoortay kuwaas oo kala qaaday Ciidan u abaabulnaa qaab qabiil oo kadib xiisada soo buux dhaafshay Cadaado oo ah Magaalo nabdoon.

Tan iyo Xiisada Siyaasadeed ee Madaxda sare ee Galmudug waxaa soo baxayay baaqyo ka imaanaya qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed gaarahaan bulshada Galmudug oo walaac xoogan ka qaba xaalka cakiran ee Maamulkooda.