Jaaliyadda Soomaaliyeed Koofur Afrika oo si weyn u soo dhaweeyey Sheekh Shariif (Sawirro)

Uncategorized Wararka Maanta

Kulankaan oo aha kulan casho sharaf ah ayna soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa waxaa lagu so dhaweenayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo maalmahaanba safar gaar ah kujoogay magaalada Johannesburg, waxaana kulanka kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee jaaliyada oo iskugu jiray Odayaal, Ganacsato, Aqoonyahano, haween iyo dhalinyaro.

Qaar ka mid ah Odayaashii iyo Waxgaradkii lagu casuumay oo ka hadlay kulanka lagu soo dhaweynahay musharaxa madaxtinimada Soomaaliya ahna madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa waxa ay sheegeen inuu Wadanka Soomaaliya u baahanyahay isbedel iyo hogaan xogogaal ah, waxayna intaa ku dareen in madaxweyne Shariif uu ahaa xilligiisii nin dadku usimanyihiin uuna mudan yahay in mar kale la doorto, si uu horay ugisii wado dadaalkiisii wanaagsanaa ee uu ku hagaajiyay ammaanka dalka.

Madaxweynihii hore mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo kulanka ka jeediyay khudbad kooban ayaa sheegay in Soomaaliya ubaahan tahay in xasalinteeda lagu gaaro aqoon iyo xogogaalnimo, waxa uuna sheegay haddii uu mar kale hogaaminta dalka ku guuleysto inuu wax ka qaban doono ugu horeyn xagga ammaanka iyo dib uheshiisiinta.

Ugu danbeyn Qaar ka mid ah dadweynihii kasoo qeybgalay kulanka ayaa fursad u helay inay su’aalo weydiiyaan musharaxa madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya ahna madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed, wuxuuna jawaabihiisa ku sheegay inuu la imaan doono qorshe dowladeed oo dhameystiran insha allaah.

fb_img_1480938853653 fb_img_1480938847910 fb_img_1480938843923 fb_img_1480938838924 fb_img_1480938833232 fb_img_1480938829691 fb_img_1480938825389 fb_img_1480938819981 fb_img_1480938816009 fb_img_1480938811467 fb_img_1480938807946 fb_img_1480938805039 fb_img_1480938798722

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)

E-mail: mmsidow@gmail.com
Johannesburg, Koonfur Afrika