Somaliland oo Xirtay Xuramaha 2 Telefishin

Wararka Maanta

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa xiray xarumaha telefishannada Horyaal iyo Eryal ku leeyihiin Magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye.

Ciidamo sida warqadda xayiraadda TVyadan ayaa saaka qabsaday xarunta Telefishanka Horyaal, balse markii dambe ciidanka ayaa halkaasi iskaga tagey iyagoo armay in shaqada la joojiyo.

Labadan telefishan ayay xukuumaddu ku eedaysay farogalinta arrimaha ciidamada iyo ka hor imaanshaha qarannimada Somaliland.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Mas’uuliyiinta Xarumaha tv-yada Horyaal iyo eryal ee Magalada Hargeysa looga yeeray Xarunta CIDA-da ee Magalada Hargeysa.

Si kastaba qaar ka mid ah wariyeyaasha Madaxa banana ee ka howlgalla Magalada Hargeysa iyo guud ahaan soomaaliland ayaa aad u cambaareeyay tallaabadaan saakay albaabada la isugu laabay Xarumaha tv-yada Horyaal iyo eryal ay ku leeyihiin Magaalada Hargeysa.