Iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kooxo hubaysan oo Muqdisho ka dhacay

Wararka Maanta

Ciidamo Boolis ah iyo Koox hubeysan ayaa xalay iska hor imaad ku dhex maray Xaafada Gubta ee degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, iyadoo iska hor imaadkan uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sida wararku sheegayaan iska hor imaadkan ayaa ka dambeeyay markii Kooxdan hubeysan ay dhac ka geysanayeen degmada Dayniile ayaa waxay dadka deegaanka ku wargeliyeen Ciidamada Booliska, kuwaasoo durbadiiba goobta markii ay ciidanka soo gaareen ay is rasaaseyn dhex martay ciidankii Booliska iyo kooxdii burcada aheyd.

Wararka ayaa intaa ku daraya in hal qof uu ku dhintay, qof kalena uu ku dhaawacmay is rasaaseynta, kuwaasoo ahaa dad rayid ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Booliska Gobolka Banaadir oo ku aadan iska hor imaadki xalay dhex maray Koox burcad aheyd, waxaana la sheegay in kooxdaas ay baxsadeen.

Dadka ku nool degmada Dayniile ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay ka cabanayeen kooxo hubeysan oo dhac ka geysta xaafadaha degmadaas.