Imaamyada Masaajidda Sucuudiga oo lagu amray in aysan Habaari karin Yuhuudda

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Wasaarada arrimaha diinta ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya  ayaa amar ku siisay 100 kun  oo ah imaamyada Masaajidda waaweyn ee dalkaasi  in ay iska ilaaliyaan siyaasada iyo arrimaha mad-habta diimaha qudbadooda, iyo inay xooga saaraan oo kaliya diinta.

saudisheikh

Wasaaradda ayaa si gooni ah uga digtay in la inkaaro dad ama waddamo waqtiga salaada, taas oo u muuqata amar ay la yaabeen shacabka dalkaasi.Waxaa caado ah in imaamyada ay inkaaraan Israel, iyo dadka aan muslinka ahayn waqtiga salaada Jimcaha .Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay in lacag aan laga aruurin karin masaajidka gudahiisa.

Arintan ayaa ah mid ugub ku ah dalkaasi, iyadoo horey manhajka dugsiga looga saaray aayadaha quraanka ee muslimiinta ku boorinaya in ay gaalada la dagaalamaan, tan iyo weerarkii Maraykan lagu qaaday 11 September 2001, sucuudiga ayaa iska badalay jihadii uu ku socday, waxaana muuqata in Amarada dowladaha reer galbeedka ay ka fuleen dalka Sucuudiga.

 

Tagged

Comments are closed.