ICJ oo u yeertay wakiilada dowladaha Soomaaliya iyo Kenya si go’aan kama dambays ah looga gaaro dacwada badda

Wararka Maanta

Maxkamadda caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah ka gaarto dhageysiga dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii ay soo korodhay dalab cusub oo Kenya ku dooneyso in dhageysiga Maxkamadda dib loogu dhigo illaa September sanadka 2020.

Sida wararku sheegayaan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague, isagoo ka wakiil ah dowladda Soomaaliya.

Qareenka Guud ee Kenya Kennedy Ogeto ayaa isna gaaray magaalada Hague, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda in Maxkamadda ay soo saarto go’aan kale.

Wararka ayaa sheegaya in Maxkamadda ICJ ay u yeertay labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo laga arrinsanayay arrinta dacwada iyo dalabka Kenya wadato ee ku aadan in dacwada mar kale dib loo dhigo.

Maxkamadda ICJ ayaa horay labo bilood dib u dhigtay dhageysiga dacwada oo ku beegneyd bishii September ee la soo dhaafay, waxaana loo qorsheeyay in dhageysiga Maxkamadda ay dhacdo horaanta bisha November

Kenya ayaa wada galaangal xooggan oo ku aadan in Maxkamadda dib loo dhigo illaa September sanadka 2020, iyadoo dowladda Soomaaliya ay diidan tahay, kuna adkeysaneysa inay dhacdo waqtigii loo qorsheeyay ee ah 4-ta bisha November.