Guri ku yaal Japan oo laga Madaxyo go an oo Bili Aadam

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Booliiska dalka Japan ayaa xiray nin gurigiisa laga helay xubno banii’aadan oo laga soo jaray sagaal ruux.Guriga ninkaas ayaa ku yaala meel u dhaw magaalada Tokyo.

Booliis ayaa qaboojiye ka soo saaray labo madax oo banii’aadam, firiijka laga soosaaray ayaa yaalay bannaanka guriga ninka laga shakisan yahay oo magaciisa lagu sheegay Takahiro Shiraishi.

Booliiska ayaa baaritaan ku hayay haweenay la waayay marka ay dhacdadan la kulmeen.

Markaas ka dibna waxay heleen xubnaha toddobo ruux oo kale, kuwaas oo iyagana la galiyay qaboojiyeyaal gurigiisa dhexyaalla.

Ninkan 27 jirka ah ayaa looga shakisan yahay xubnaha jirkan.

Xubnaha jirka ee ay booliisku helaan ayaa laga soo kala jaray siddeed rag ah iyo hal dumar ah, xubnaha jirkuna way kala duduwan yihiin sida uu ku warramay wargayska Japan ka soo baxa ee Mainichi Shimbun.

 

Shiraishi ayaa sheegay in uu dilay sagaalka ruux uuna qariyay maydkooda, sida ay ku warrantay warbaahinta NHK oo soo xiganaysa booliiska.

Dhanka kalana qofka dariska la ah ee ay albaabkoodu isku xigaan ayaa sheegay in ay wax qurmuun u soo uri jireen tan iyo markii uu soo agdagay Shiraishi bishii August, sida ay booliiska iyo Asahi Shimbun sheegeen

Ceelhuuronline

@Bbc