AAMIN AMBULANCE WAA NA CAAWINTEE AAN MARKEEDA CAAWINO

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Markii  ay Daashadeen  Bulshada Dagaalo sokeeyey Xaaladu noqotey mid Cakiran islamrkaana la waayey adeegyadii Bulshada, dadkuna wixii tabartooda ah ay ku maareynayaan Noloshooda  gaar ahaan sidii loola Tacaali  lahaa Dadka Dhaawaca ah iyadoo ay Bulshada Xiligaas ay isticmaalayeen Gaari gacano si loo gaarsiiyo Dadka Goobaha caafimaadka ayaa   Dad Soomaaliyeed oo ka damqadey Dhibaatadaas Baaxada leh ayey  Muruqooda iyo Maskaxdooda inta isku geeyeen ayey Bulshada u keen Gawaarida Gargaarka Deg deg ah ee AMBULANCE.

Sannadkii 2006  ayaa waxaa Dalka laga abuureey “AAMIN AMBULANCA maadaama ay jirtey baahi aad u balaaran oo ku saabsan sidii dadka Dhaawaca ah loo gaarsiin Goobbaha Caafimaadka, waxaana Unkida Amin Ambalansa soo dhaweeyey Bulshada Soomaaliyeed , waxaana Bilowdey Yadiilo ku “AAMIN AMBULANCA ay ka shaqeyso Dhamaan Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayna jirtey kala Qob qobnaan iyadoo loo fiirinayo arrimo Baniaadanimo.

Waxaa suurta gal ah in “AAMIN AMBULANCA ay kuu qaadey, Aabahaa, Hooyadaa, Walaalkaa, Walaashaa, Adeerkaa, Cunugaada, Xaaskaada oo Fool ah  iyo Abtigaan sidaa darteed  “AAMIN AMBULANCA waxay nagu leedahay abaal  aad u weyn sidaa darteed maanta Iyada ayaa Caawinaad nooga baahan si uusan nooga istaagin adeegaa waxtarka leh.

Dr Cabduqaadir Xaaji Cabdiraxmaan   Xaaji Aadan oo ah Shaqsigii Aas- Aaasey “AAMIN AMBULANCA  oo Shir Jaraaid maanta ku qabtey Xaruniisa ayaa Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan Dalka Gudihiisa  iyo Dibadiisa ay Badbaadiyaan “AAMIN AMBULANCAmaadaam Shaqsi keli  ah uusan Bixin Karin Dhaqaalaha ku baxa Amin Ambalansa sida Gawaarida Shidaalkooda, Shaqaalaha, Dayactirka Gawaarida iyo Ijaarka Garaashka Gawaarida lagu Xareeyo.

“Muddo 12 Sanno ah ayaan soo wadney adeegaan, Waxaan adeeg Gargaar deg deg ah u Fidiney Dad gaaraya 31,704  oo Khatar Caafimaad ku jirey  marka waxaana u soo jeedinayaa Madaxweynaha, Raiisul Wasaaraha, Ganacsatada, Shirkadaha, Qurba Joogta ay ka shaqeeyaan in uusan istaagin adeegaas uu Halkiisa uu ka sii socdo” ayuu yiri Dr Cabduqaadir oo  u Mahadceliyey intii ku gacansiisey in uu shaqeeyo Adeegaa sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey bahda Saxaafadda in ay ka qayb qaataan soo socoshada Adeegaas  oo uu sheegey in loogu shaqeeyo 3 Milyan oo qof oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo Deegaanada ku xeeran sidaa Darteed waxaan ku soo Gabagabeynayaa ““AAMIN AMBULANCA WAA NA CAAWINTEE AAN MARKEEDA CAAWINO ” “HAL DOOLAR BIXI SI UU NOOGU SOCDO ADEEGAAN”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk