Guddoomiye Mursal Oo Maanta War-baahinta Kula Hadlaya Muqdisho

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa maanta isugu yeeray Warbaahinta ka howlgasha Muqdisho.

Shirka jaraa’id ee uu Mursal ku dhawaaqay in uu qabanayo ayaa lagu wadaa in uu uga hadlo halka uu marayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha,Wararka sheegaya in isaga xabsi Guri la geliyay iyo qodobo kale.

Xildhibaano ka mid ah Golaha shacabka ayaa mooshin ka dhan ah Madaxweynaha u gudbiyay Guddoomiye Mursal,waxaana uu qabtay mooshinkaas oo sidoo kale labadiisa ku xigeen ay ku tilmaameen sharci darro.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay qaar ka mid ah XIldhibaannada ku saxiixan mooshinka ayaa sheegayay in laga been abuurtay,waxaana ka mid ah kuwa ku jira Isbitaallo dalka dibaddiisa ah oo aan joogin dalka iyo kuwa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Xildhibaannada mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha u gudbiyay Guddoomiye Mursal ayaa sheegaya in madaxweynaha uu galay heshiisyo qatar gelinkara dalka oo aan la horgeyn golaha shacabka.

Ilo kudhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in xildhibaanada keenay Mooshinka kadhanka madaxweyne Farmaajo ay isku qasayaan danta shaqsiga ah iyo midda guud, waxa ay ilahani u sheegeen Mustaqbal Radio in xubno kamid ah xildhibaanada wada Mooshinku ay doonayaan in masaalixdooda gaarka ah ay ka helaan xukuumadda haddii ay kawaayaanna ay isku deyayaan in ay u adeegsadaan wax walba oo suurtagal kadhigi karo xaqiijinta danahooda gaarka ah.

Xildhibaanada wada mooshinka qaarkood ayaa laga joojiyey heshiisyo shaqo oo ay dowladdu siisay xilli hore kuwaas oo kuu kacaya lacag malaayiin doolar ah, sidaas waxaa u sheegay Mustaqbal ilo wareed kamid ah madaxtooyada.