Guddigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan u xilsaartay gargaarka dadkii uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa maanta waxa ay ku wajahan yihiin Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Guddigan ayaa waxaa Guddoomiye u ah Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed.
Xubnahan ayaa waxa ay booqan doonaan dadka ka Barakacay gudaha Magaalada ee jooga Duleedka, waxaana ay sameyn doonaan qimeyn guud oo ku aadan dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.
Sidoo kale waxaa la filayaa Guddigan in ay qaadaan gargaar loogu tala galay dadkaasi, maadaama horey uu u booqday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Masuuliyiinta Maamulka Hirshabeelle ayaa dhankooda ku wajahan Magaalada Beledweyne, kuwaasi oo shalay loo soo xiray kalfadhigii Saddexaad ee Baarlamaanka Maamulkaasi.