Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashadda kursi ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliyeed .
Buuq sababay dib u dhac ayaa ka dhashay kursiga maanta la qabtay doorashadiisa, ka dib markii ay maalmo ka hor la isku dayay in lagu qabto Muqdisho.
Kursiga ka bannaan Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartamayay musharaxiinta kala ah C/raxmaan Axmed Ceynaan iyo Musharax Faatax Saciid Xasan. Kursiga ayaa horay waxaa uga geeriyooday Saciid Xasan Geedi.
Waxaa ku guuleystay sidda ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Faatax Saciid Xasan Geedi oo uu dhalay Xildhibaankii horay uga geeriyooday Kursiga.
Faatax ayaa helay 32 Cod halka Cabdiraxmaan uu helay 5 cod.
Guddiga doorashooyinka ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay buuxinta Kuraasta ka banaan Golaha Shacabka, waxaana lagu waddaa in Magaalada Cadaado lagu qabto doorashadda Kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.