Golaha wasiirada cusub oo saacadaha soo socda lagu dhawaaqi doono

Wararka Maanta

Ilo ku dhow dhow Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijinaya in saacadaha soo socda lagu dhawaaqi doono Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan warar ay heshay ceelhuur.com Salaada Maqrib kaddib ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo Wasiirada cusub.

Munaasabad kooban oo ka dhici doonta Xarunta Madaxtooyada ayaa laga shaacin doonaa Liiska Golaha Wasiirada cusub, waxaa lagu casuumay Guddoonka Baarlamaanka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in haatan ay socoto diyaarinta xaflada kooban ee looga dhawaaqayo Golaha Wasiirada, waxaana arrinta magacaabista Golaha Wasiirada si aad ah looga hadal hayaa Xafiisyada dowladda.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo gaba gabeeyay wada tashiyo ay wadeen todobaadyadii u dambeeyay, waxaana xalay labada mas’uul ay yeesheen kulan albaabada uu u xirnaa.

Dad badan ayaa dhowraya magacaabista Golaha Wasiirada, waxaana maalmihii la soo dhaafay suuqa soo galay magacyada shaqsiyaadka loo wado xilalka Wasaaradaha.

Illaa iyo hada waxaa la ogeyn tirada lagu saleyn doono Golaha Wasiirada, inkastoo la sheegayo inay ka badan karaan kuwii hore ama ka yaraan karaan, waxaana soo baxaya Wasaarado cusub oo lagu soo kordhinayo Xukuumadda cusub.

kala soco ceelhuur.com wixii wara oo kusoo kordha