`Gedo:Ciidamada Kenya oo saaka isaga baxay degmada Baardheere

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidanka Kenya ay saaka isaga baxeen degmadaas, oo labadii sano ee la soo dhaafay ku sugnaayeen.

Ciidamada Kenya ayaa tan iyo xalay isu qaban qaabinayay ka bixitaanka saldhiga ay ku lahaayeen degmada, waxaana saaka inta aysan ka bixin la damiyay isgaarsiinta.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay u baxeen dhanka wadada aada degmada Beledxaawo, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn halka ay uga sii gudbi doonaan.

Degmada Baardheere ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, lama oga sababaha ay xilligan uga baxeen Ciidamada Kenya.

Bartamihii sanadkii 2015 ayay aheyd markii Ciidamada dowladda oo ay wehliyeen Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen degmada Baardheere oo muddo sanado ay ka talinayeen Al-Shabaab.

Lasoco warkaan wixii kusoo kordha insha allah

Ceelhuuronline