Galmudug oo u hambalyeysay Madaxweynaha cusub Maxamed Farmaajo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

C4KNveBWAAEjEON

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo dhaweeyey doorashada Madaxweynaha cusub Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug oo saxaafadda gudaha la hadlay ayaa soo dhaweeyey doorashada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Soomaaliya ayaa caawa yeelatay Madaxweyne cusub, waxaana Galmudug noqonayaa maamulkii ugu horeeyey ee u hambalyeeya Madaxaweynaha cusub.

Farmaajo ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda dowlad goboleedka Galmudug, waxaana caawa caasimadda kumeel gaarka ah Galmudug magaalada Cadaado ka dhacay dabaal dagyo lagu soo dhaweynahay Madaxweynaha cusub.