Galmudug oo Cafis u fidisay 4 Badmaax oo horey xukun loogu riday (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

 

Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay Cafis u fidiyeen 4 Badmaax oo u dhashay dalka Yemen ,kuwaa soo bishii lasoo dhaafay Maxkamad ku taalla Magaalada Gaalkacyo ay ku riday Xukun.

Maxkamad ku taalla Magaalada Gaalkacyo ayaa Bishii lasoo dhaafay Badmaaxiyiintaasi oo lagu helay in kalluumeysi sharci daro ah in ay ka wadeen xeebaha Galmudug ku xukuntay Lacag dhan 60 kun dollar.

Ciidamada Badda Galmudug ayaa raggaasi gacanta kusoo dhigay ka dib howlgal ay ka fuliyeen Xeebaha degmada Hobyo.

 Inta badan badmaaxiyiinta dalka Yemen ayaa lagu eedeeyaa in ay Kalluumeysi Sharci daro  ah in ay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya.
sawir (1) sawir