Gaari Qarax siday oo lagu qabtay Duleedka Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada Nabad suggidda iyo Sirdoonka Qaranka Qeybta ka howlgasha Galmudug ayaa xalay saqdii dhexe qabtay gaari caasi ah oo waday walxaha qarxa iyo laba nin oo la socday gaariga.

Gaarigaan ayaa lagu qabtay galbeeka magaalada meel u jirta 30km, waxaana gaari la sheegay inuu laamiga ka gooyey inta u dhaxeysa Mareergur iyo Godinlabe, ciidamada oo la socday dhaqdhaqaaqa gaari ayaa kadib ku guuleystay inay qabtaan, waxaana gaariga iyo ragii la socday la geeyey saldhigga ciidanka NISA Galmudug Magaalada Cadaado.

Gaarigaan ayaa la sheegay in qaraxa ka soo qaaday deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud, waxaana laamiga Mareergur la soo gaaray gaari kaarib ah oo loo maleynayo inuu galbinayey, kaas oo dib uga laabtay.

Nimanka gaari waday ayaa la sheegay inay yihiin reer Cadaado, ciidamada ayaa sidoo kale dad kale ka xiray gudaha magaalada, kuwaas oo lala xariirinayo arintaan, Ciidamada ayaa la filayaa in saxaafadda u soo bandhigaan gaari iyo ragii waday.

wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com