Barlamaanka Puntland oo dhageysanaya khudbooyinka Xubnaha u Sharaxan Aqalka Sare (Sawirro)

Wararka Maanta

Xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe ayaa waxaa maanta ka bilowday dhageysiga khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxiinta u taagan xubinimada Aqalka sare ayaa waxay gaarayaan illaa 29 Musharax, kuwaasoo 8 ay tahay haween.

Xubnaha Musharaxiinta ayaa waxaa ka mid ah Jen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Jen. Morgan oo lagu soo dhoweeyay makrafoonka ayaa sacab iyo taageero kala kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, waxaa uu ka hadlay taariikhdiisa nololeed iyo aqoontiisa, isagoo sheegay inuu ka soo baxay Kuliyada sare ee Ciidanimada, isla markaana waxbarasho ku soo qaatay dalalka Mareykanka iyo Ruushka.

Waxaa uu sheegay inuu si wanaagsan ugu hadli karo luqadaha English-ka, Carabiga iyo Ruushka, halka Talyaaniga uu waxooga ku hadli karo.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay iyana hadlaan Musharaxiin kale oo dhowr ah, sida C/raxmaan faroole oo goob joog ka ahaa xarunta Baarlamaanka Puntland.

Waxaa madasha ka maqan Ra’iisul Wasaaraha xilkiisa dhamaaday, ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha iyo Aqalka sare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in xubnaha Musharaxiinta ee u tartamaya kuraasta Aqalka sare loo codeeyo, iyadoo kuraasta qaar ay ku tartamayaan labo illaa afar musharax.

aqal aqal1 aqal2 aqal3 aqal4 aqal5

Xigasho: Jowhar.com

Comments are closed.