Farmaajo Muxuu ka yiri Xaaladda Galmudug? Daawo Video

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xalay ka qeybgalayey munaasabad lagu xusayey 76 guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ururkii SYL 1943 oo lagu qabtay xarunta gaadiidka Booliska Magaalada Muqdisho, Madaxweynaha ayaa khudbo dhinacyo badan taabanayso ka jeediyey halkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu nuuxnuuxsaday xaaladda Cakiran ee Galmudug, isagoo sheegay in Axmed Ducaale Xaaf oo ka biyo diiday in dib u heshiis lagu dhameeyo khilaafka Madaxda Galmudug, Madaxweynaha ayaa cadeeyey in doorashada Galmudug ay waqtigeeda ku qabsoomeyso, maalinna aan lagu dari doonin.

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay Xaaf, qof xanuunsan oo diiday daawadii loo qoray, hadalka Farmaajo ayaa u muuqday mid uu ku cadeynayo wixii ka dhacay shirkii garoowe, hadaba halkaan ka daawo Muuqaalka.