Fadhigii Maanta ee Golaha Shacabka oo Baaqday

Wararka Maanta

Kulankii maanta oo Arbaco loo balansanaa in Guddoomiyihii is casilay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu ka jeediyo Fadhiga Baarlamaanka ayaa baaqday, iyadoo uu soo baxayo muran iyo is qab qabsi ka dhashay habka kulankaas loo qabanayo.

Farriimo iska soo horjeeda ayaa xalay loo kala diray Xildhibaanada, waxaana farriin ka timid dhanka howl wadeenadii horay u diri jiray farriinta ee Baarlamaanka ay ku wargeliyeen Xildhibaanada kulanka maanta oo arbaco ah iyo hadal jeedinta Guddoomiyihii hore.

Sidoo kale waxaa farriin kale markii dambe diray Sii hayaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/wali Muudey oo sheegay in aanu jirin kulan illaa amar dambe.

Arrintan ayaa hubaal la’aan iyo jahwareer cusub ka dhex dhalisay Xildhibaanada oo la sheegay inay la yaabeen farriimaha iska soo horjeeda, mar haddii la soo afjaray xiisadii taagneyd.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in C/wali Muudey uu ka soo horjeedo khudbada Jawaari uu ka jeedinayo kulanka iyo marka u horeysay cida shir guddoonka noqoneyso, bacdamaa Jawaari inta uusan is casilin uu kursiga shir guddoonka ku farriisanayo.

Guddoomiyaha is casilay Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta la filayay in khudbadiisa is casilaad uu ka jeediyo Xildhibaanada, isla markaana uu halkaas ku soo dhamaado murankii iyo kala qeybsanaantii u dhaxeysay.

Kulamo lagu xalinayay muranka ka dhashay kulankan ayaa xalay ka dhacay Madaxtooyada, waxaana la sheegay in illaa maanta ay u dhow dahay in xal la gaaro, isla markaana maalinta berri oo Khamiis ah laga dhigo.

Xigasho: Jowhar.com