Faafaahin Qarax ka dhacay Kismaayo

Wararka Maanta

Ciidamada Booliska maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax Saakay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Qaraxan oo ahaa mid lagu aasay Saldhiga Booliska Magaalada Kismaayo gadaashiisa, ayaa waxaa ku dhaawacmeen Saddex ruux sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Booliska.

Jaamac Axmed Xasan oo ah Afhayeenka ciidamada Booliska Jubbaland, ayaa sheegay Saddexda ruux ee dhaawacantay in la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu daaweynaayo.

Afhayeenka Ciidamada Booliska maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ciidamada Ammaanka ay wadaan howlgallo iyo baaritaano kala duwan.

Waxaa ugu dambeyntii uu sheegay in aysan jirin cid ku dhimatay Qaraxaasi.