Cabdullaahi Faarax Wehliye oo ku guuleystay Kursigii Beesha Duduble.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa goordhow soo dhamaatay tirinta codadka doorashad kursigii uu ka geeriyooday Allaha U naxariistee Bootaan Ciise Caalin, kursiga oo ka mid ah kuraasta Beesha Maxamuud Hiraab (Duduble) ku leedahay Golaha Shacabka.

Waxaana kursigan ku loolamay saddex Musharax oo kala ah :

1- Cabdullaahi Faarax Wehliye

Waa wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha iyo Federaalka, Waxaana uu horey madax uga soo noqday Xawaaladii Qaran Express, Musharaxan ayaa taageero ka helayay Xafiiska Ra’iisulwaare Kheyre, Shirkadda Hormuud,  Madaxda Galmudug. waxaana lagu xasuustaa doorkii uu ka qaatay Mideyntii Galmudug iyo Ahlu sunna. Musharaxaan ayaa ku guuleystay kursiga xildhibaanimo isagoo helay 28 cod.

2. Maxamed Cilmi Afrax (Mideeye)

Waxa uu Muddo dheer Madax ka ahaa Hay’adda ICRC xafiiska Galgaduud, isagoo taageero badan ka heystay Bulshada Galgaduud, sanadkii 2015 wuxuu isku soo sharaxay Madaxweynaha Galmudug. inkastoo looga adkaaday, Maxamed Cilmi Afarax (ina Damdamle) ayaa looga guuleystay kursigan isagoo helay 17 cod.

3. Cabdullaahi Faarax Xirsi

Musharaxaan wax badan lagama yaqaan wuxuuna helay 3 cod. waxaana halaabay 3 cod. ergada codeysay ayaa gaaraysay 51 ergay.

Gabagabadii Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Yarey  ayaa ku dhawaaqday natiijada. waxa ayna sheegay in kursigii xildhibaanimo uu ku guuleystay Cabdullaahi Faarax Wehliye.