Everton Oo Dooneysa Tababare Arsene Wenger

Ciyaaraha

Everton ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay tababaraha Arsenal Arsene Wenger taasoo doonaysa inuu bedelo macalin  Sam Allardyce.

Mustaqbalka Wenger ayaa mar kale ku soo laaban doona baaritaan xoog leh ka dib markii kooxdiisa ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Brighton & Hove Albion Axadii, taasoo aheyd natiijadii ugu danbeysay ee Gunners guuldaro afar jeer oo xiriir ah soo gaartay markii ugu horeysay tan iyo 2002dii.

Kooxda Europa League ayaa haatan rajo ka leh inay Arsenal ka badbaadiso xilli ciyaareedka iyadoo leh 13 dhibcood oo ay ka sareeyaan afarta kooxood ee ugu sareysa, laakiin waxay ka hor imaanayaan kooxda AC Milan wareega 16ka.

Wenger ayaa weli heysta wax ka badan hal sano oo uu ka harsan yahay qandaraaskiisa Emirates Stadium waxaana uu ku adkeysanayaa inuu awood u leeyahay inuu ku soo laabto xaalad fiican, inkastoo uu ugu yeeray inuu ka tago booska uu  muddo 22 sanno ah uu joogay.

Mustaqbalka tababaraha kooxda Everton ayaa sidoo kale ah mawduuc laga doodayay, taageerayaasha kooxda ayaa u soo jeestay Allardyce markii ay 2-1 guul darradu kasoo gaartay Burnley sabtidii.

Daily Star ayaa sheegeysa in guddoomiyaha kooxda Toffees Farhad Moshiri uu qarka u saaran yahay inuu u dhaqaaqo macalinka Arsenal,  isagoo u aqoonsanaya tababaraha reer France inuu yahay musharaxa ugu fiican ee kooxda ku hogaaminaya tartanka kubadda cagta Yurub.

Moshiri wuxuu horey u ahaan jiray milkiilaha Arsenal ee la ahaa Alisher Usmanov ka hor inta uusan ku biirin Everton.