Duufaan ku Wajahan Xeebaha Soomaaliya

Wararka Maanta

Duufaantii ugu cusleyd muddo 12-sano ah ee lagu arko badda carbeed ayaa u soo leexatay xeebaha bari ee Soomaaliya, sida ay sheegtay saadaashu.

Duufaantaan oo loogu magacdaray Kyarr ayaa lagu tilmaamay tii ugu cuslayd ee lagu arko badda carbeed muddo 12 sano ah, sida uu daabacay maanta Jaraa’idka Washington Post.

Dufaanta ayaa ku socota xawaare gaaraya 150 mayl halkii saac oo ka dhigan 240 km saacadii. Duufaantan ayaa laga baqanayaa in la socdaan roobab dabeylo wata oo dhaliya daadad xooggan.

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa fariin digniin ah u diray Shacabka xeebaha degan.

Link-gan ka eeg faah faahinta: https://www.washingtonpost.com/weather/2019/10/28/category-kyarr-is-strongest-cyclone-over-arabian-sea-years/?outputType=amp