Duufaan ku soo foolleh dhul xeebeedka Soomaaliya

Wararka Maanta

Duufaan xoog leh oo loo bixiyay ONE ayaa ka soo kacaysa waqooyiga badwaynta Hindiya waxaana la filaya in ay saamayn doonto inta badan gobollada Somaliland iyo Puntland 24 ilaa 48 saac ee foodda inagu soo haysa, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO.

Duufaantan ayaa lagu wadaa in ay marka hore ku dhufan doonto Puntland 24ka saac ee soo socda ka dibna ay ku faafidoonto dhanka Somaliland iyo deegaannada kale ee dhexe.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in duufaantaas ay wehelin doonaan roobab mahiigaan ah.

Qaramada Midoobay waxay ku baaqaysaa in ay dadku taxadar iyo diyaargaraw muujiyaan maadaama oo laga yaabo in ay burbur u gaystaan dhismayaasha aan tiirarka adag ku taagnayn.

Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay deegannadaas ay daadad ka dhici doonaan, sida ay shaacisay hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan ee Qaramada Midoobay.

Faafaahin dheeraad ah halkaan ka akhriso

https://reliefweb.int/map/somalia/somalia-tropical-storm-alert-issued-17-may-2018