Dr. Maryan Qaasim oo is casishay

Wararka Maanta

Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyin Dr Maryan Qaasim Axmed ayaa goordhow iska casishay xilkii Wasiirnimo. Wasiirada ayaa la filayaa in goordhow la hadasho warbaahinta, iyadoo cadeyn doonta sababtii ay isku casishay.

Dr. Maryan Qaasim ayaa ka mid aheyd wasiirada aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, waana wasiirkii labaad oo is casila muddo kooban, sido kale waxaa horey isku casilay Taliyihii  hore Xoogga dalka Gen. Cirfiid.

Waxaa is ifbaxaya khilaaf ka dhex jira Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre iyo qaar ka mid wasiiradiisa, Kheyre ayaa lagu eedeeyaa inuu gacan togaalaysto howlaha wasaaraadaha. Wixii kusoo kordha kala soco ceelhhuur.com

Comments are closed.