Dowladda: Mukhtar Robow kama qeybgali karo Doorashada Koofur Galbeed

Wararka Maanta

Wasaaradda amniga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka joojisay inuu xilka Madaxtinimo ee maamul Goboleedka Koofur galbeed isu soo sharraxo, Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur), markii uu Shalay ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka Madaxweyne-nimo ee K/G Soomaaliya.

Qaoraalka ay Murashaxnimada Sheekh Rooboow kasoo saartay Wasaaradda amniga ee Soomaaliya ayaa waxa uu u qornaa sidan:-

Sheekh, Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ka baxay kooxda Al–Shabab 2012, markii khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo hoggaankii sare ee Kooxda, wuxuuna Dowladda Soomaaliya isu soo dhiibay Bishii August ee Sanaddii 2017-kii.