Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo dib u dhac ku yimid

Wararka Maanta

Doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ee lagu waday inay dhacdo 12-ka bishan oo ku beegan Talaadada soo socota ayaa dib u dhac ku yimid, kaddib markii uu Guddiga doorashada codsaday in waqtiga u haray uu aad ciriiri u yahay, isla markaana aanu waxba ugu qabsoomi karin.

Afhayeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle Xildhibaan C/wali Sheekh Cali ayaa sheegay in dib u dhac uu ku yimid jadwalka doorashada, isagoo ka dhawaajiyay in 16-ka bisha ay dhici doonto doorashada oo ku beegan Sabtida soo socoto.

“Waxaa maalmahan aad ugu howlaneyn qaabki ay u dhici laheyd doorashada, shaqada aad ayay u ballaarneyd, hal arrin oo culeys ayaa ku yimid Guddigii, waxaa dalbanay muddo yar, maadaama musharaxiinta qaarkood ay berri soo galayana, khudbooyinkana ay berri bilaabanayaan, waxaa codsanay saddex maalmood iyo hal maalmood oo ah maalinta doorashada”ayuu yiri Afhayeenka Guddiga doorashada oo wareysi siiyay Idaacada Mustaqbal.

Waxaa uu sheegay in talo soo jeedintan ay berri u gudbinayaan Baarlamaanka, si ay u ansixiyaan, waxaa uu xusay in waqtiga uu ahaa mid ciriir ah, isla markaana ay ka fursan waayeen in muddo lagu daro.

Afhayeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay in dib u dhaca doorashada ay ku wargeliyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Urur Goboleedka IGAD iyo Xildhibaanada Aqalka sare, isla markaana ay la qaateen codsigooda in muddo maalmood lagu kordhiyo.

Illaa 8 Musharax ayaa u taagan doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, iyadoo magaalada Jowhar ay ku qul qulayaan Musharaxiinta doonaya inay ku guuleystaan xilka Madaxweynaha.

Maamul goboleedka Hirshabeelle oo ah maamulka ugu yar, ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu yeesho Madaxweynihii labaad muddo sanad gudahood oo uu Maamulkaas dhisnaa, kaddib markii bishii October ee sanadkii 2016 xilka Madaxweynaha maamulkaas loo doortay Cali C/llaahi Cosoble, iyadoo 10 bilood kaddib Baarlamaanka Hirshabeelle uu kalsoonida kala noqday.

 

@Jowhar.com