Dilal Qorsheysan Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa geeriyooday kadib markii qaraxa loogu xiray gaarigiisa xilli uu ku sugnaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir,sida ay xaqiijieyen dadka ku nool Xaafada Tarabuush uu falkaan ka dhacay.

Sarkaalka qaraxa lagu dilay ayaa waxaa dadka deegaanka Magaciisa ay ku sheegeen Maxamed Caddow,waxa uuna ka mid ahaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Sidoo kale Koxo hubeysan ayaa xalay degmada Waaberi waxa ay ku dileyn nin la sheegay in uu sarifle ahaa,waxaana la sheegay in xilliga la dilayey uu kusii jeeday Hoygiisa oo ku yaalla isla degmada Waaberi.

Isla xalay ayaa Kooxo hubeysan waxa ay degmada Yaaqshiid ku dileyn mid ka mid ah maamulayaasha Shirkada dhismaha Kulmiye.

Sikastaba hay’adaha amniga wax war ah kamasoo saarin dilalka ka dhacay Magaalada muqdisho,iyada lagu guda jiro bisha ramadaan.