Shir looga hadlayo dib u dhiska dalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad goboleedka Puntland, kaas oo u dhexeeya wasiirada Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.
Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow iyo wasiirada hawlaha guud ee dawlad goboleedyada ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe, si ay uga wada xaajoodaan dardargalinta dib u dhiska dalka.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dib u dhiska wadooyinka isku xira magaalooyinka dalka iyo kaabayaasha kale ee gacan ka gaysan kara koboca dhaqaalaha.
Dhawaan ayey aheyd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub kala saxiixdeen Mashruuc lagu hormarinayo waddooyinka Gobolada, mashruucaas oo ay ku baxayso lacag gaaraysa 53 Milyan oo Dollar.