difaaca kooxda Liverpool Jeo Matip ayaa la filayaa inuu diyaar noqdo kulanka axada ee horyaalka Premier League ay kaga hortagayaan naadiga West Ham United, kadib markii uu dhaawac anqawga ah ku seegay kulankii guudarada kasoo gaartay Bournemouth.
Toddobaadkan, Klopp iyo ciyaartoydiisa ayaa u duulay magaalada Barcelona , Matip ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ka qeyb qaatay tababarkii xerada Sant Cugat-ka , sida uu sheegay Liverpool Echo.
ka mid noqoshada Matip ee safarkaas ayaa soo jeedinaya inuu taam u noqonaayo ciyaarta West Ham ee axada, Redsa ayaa laga dhaliyay 10 gool shantii kulan ee uu 25-sano jirkaan ka maqnaa.
Kooxda ka dhisan Merseyside ayaa ku guuldareystay inay soo yareyso farqigadhibcaha ay ku heyso horyaalka Chelsea isbuucaan.
W/D Hafsa Haji