DFS oo bilowday Badalidda Qaar ka mid Saxiixayaasha Galmudug.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay in ay badalaan Qaar ka mid Odoyaasha saxiixayaasha Xildhibaanada Galmudug.

Suldaanka Beesha Shiikhaal Suldaan Maxamed Suldaan Muuse Luga-Loox oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Saxiixayaasha Galmudug ayaa laga saaray liiska Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, saacado ka hor inta aanu Ra’iisul Wasaare Kheyre ka soo ambabaxin Dhuusamareeb.

Qorshaha Nabadoonkan looga saaray Liiska Saxiixayaasha ayaa bilow u ah Loolanka lagu soo saaranayo Xildhibaannada soo socda ee heer Federaal, waxaana qorshaha koowaad ee hada la wada uu yahay sidii mid ka mid ah Xildhibaanada deegaan doorashadooda tahay Jubbaland loogu soo wareejin lahaa Galmudug, maadaama Xildhibaankaas qeyb ka ahaa Ololihii fashilmay ee dowladda Federaalka ku dooneysay inay meesha kaga saarto Axmed Madoobe.