DEG DEG: Gaari looga shakiyay Walxaha Qarxa oo Muqdisho lagu qabtay

Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya Gaari loo maleynayo in ay saaran yihiin walxaha qarxa ayaa yaalla Iridda Jaamacadda Umadda,dhanka Hotelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho.

Gaariga la qabtay ayaa noociisa lagu sheegay Spacia,waxaana wadooyinka soo gala Hotelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho xirey Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya,waxaana loo diiday in shacabka isticmaalaan.

Sidoo kale waxaa loo yeeray Ciidamada Miino baarista Dowlada Soomaliya si ay arinta u xaqiijiyaan.

Ciidamada Dowlada Federaalka  Soomaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay sameynayay howlgalo ay ku qabanayeen gawaarida lagu soo xiro waxyabaha qarxa.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo isgoys walba la dhigay ciidamo kuwaasi oo dadka iyo gaadiidka baaraya.

Xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa balan qaaday iney wax badan ka qabaneyso xaalada amnidaro ee dalka ka jirta.