Deg Deg:- Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday Degmada Buula-Barde.

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaarayo Degmaa Buula-Barde ee Gobalka Hiiraan ayaa ku soo waramaya in saakay Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeyn Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM ee Degmadaasi waxaana jira qasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid kadib Markii Dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar Culus ku qaadeyn Fariisamo Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM ay ku leeyihiin M/Buula-Barde iyadoo uu dagaalkaasi socday wax ku dhaw saacad oo ay labada dhinac is dhaafsanayeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Isgaarsiintii Degmada ayaa Guud ahaan saakay hawada ka maqan waxaana si dhab ah loo helli karin inta uu gaarsiisan yahay qasaaraha dagaalkaasi.

wararka laga helaayo meel ku dhaw Buula-Barde ayaa ku soo waramaya in ay wali xaaladda qasan tahay oo la maqlaayo rasaas goos goos ah oo labada dhinac is dhaafsanayaan.