Deeqo Diraac ayaa xabsiga dhexe ugu geeriyootay cudurka sonkorta sida uu xaqiijiyey Taliyaha Xabsiga Dhexe Ee Xamar, Taliyaha ayaa intaa ku daray in 45 Cisho Xanuunkeeda lala Tacaalayay, waxayna shalay gashay Koomo
Deeqo Diraac waxa ay ku Eedeysneyd Kiis la xiriiray Dilkii Ardayad Nafiso Cusmaan oo aheyd arday markaas dhameysatay heerka Koowaad ee waxbarashada Jaamacadda. Waxaana maxkamadi ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah sanadkii 2014.