Madaxweynaha Galmudug oo gaaray godinlabe iyo xabad wali kasocota

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyaha Galmudug c/kariin xuseen guuleed ayaa goordhow gaaray maagalada godinlabe oo ay kudagaalameen ciidamada galmudug iyo malaashiyaad iyo  ahlusuna oo is garabsanaya.

Godinlabe maanta waxaa gacan ku heyntiisa la wareegay Ciidanka Ahlu-suna iyo Maleeshiyaad hubeysan kadib markii ay halkaasi kula dagaalameen Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Galmudug.

madaxweynaha galmudug kuxegeenkiisa wasiiro iyo xildhibaano ayaa kusagan kontorolka soke ee soo xiga magaalada cadaado.

hada xabad ayaa kasocota maagaalada waxaana gudaha magaalada gacanta kuhaya maleeshiyo iyo ahlusuna oo is garabsanaya waxaa weerar lagu qaaday goob banaanka magaalada ah oo ay kusugnaayeey wafdiga madaxweyne c/kariin.

xabada wali waa ay socotaa hubka nuucyadiisa kala gadisan ayaa la isku adeegsanayaa dhimasho iyo dhaawac labaduba waa ay jiraan waxaana loo kala qaadayaa isbitaalada dhuusomareeb iyo cadaado .

wafdiga c/kariina waxaa ay kulamo laleeyihiin sarakisha dagaalka hogaamineysa

Ujeedka Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu ku tagay Deegaanka Godinlabe ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii wax looga qaban lahaa xiisada Dagaal ee u dhaxeysa Maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunah.

wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com