Dagaalka Tukaraq oo baajiyay Xaladdii Lagu Xusi lahaa 4-sano Guuradii kasoo wareegtay Dorashadii Gaas ee Puntland

Wararka Maanta

Madaxtoyada Puntland ayaa dagaalka Tukaraq u baajisay munaasabadii  lagu maamusi lahaa 4-sano guuradii ka soo wareegtay markii Madaxwaynaha Puntland loo doortay C/wali Maxamed Cali Gaas 08/01/2014.

Arrintan ayaa timid kaddib markii Ciidamada Somaliland ay shalay gelinkii hore weerar ku soo qaadeen degmada Tukaraq oo qiyaastii 40km u jirta Garowe, iyagoo la wareegay gacan ku heynteeda.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa ku baxay deegaanka, waxaana la soo sheegayaa in xiisad dagaal ka taagan tahay deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Munaasabadda sanad guuradii 4aad ee ka soo wareegatay markii la doortay C/wali Gaas ayaa qaban qaabadeeda socotay labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay, marti sharaf iyo fanaaniin dibadda ka yimid oo lagu casuumay.

Dhinaca kale Ammaanka Garowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana koontaroolada laga soo galo magaalada la dhigay ciidamo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka.

Waxaa istaagay gebi ahaanba isu  socodka gaadiidka xamuulka iyo rakaabkaba ee isaga kala gooshi jirey Puntland iyo Somaliland.