Dagaal Xooggan oo ka dhacay gobolka Gedo

Wararka Maanta

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo Alshabaab ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa yimid, kaddib markii ciidanka dowladda ay ku baxeen deegaanka Baar Macalin iyo deegaano kale oo Al-Shabaab ka wadeen uruurinta xoolaha zakawaadka loo yaqaano.

Isku duwaha Beeraha Maamulka Jubbaland ee u qaabilsan Baardheere Saciid Abshir Cartan ayaa sheegay in dagaalka uu ka dambeeyay, markii dadka deegaanka ay cabasho u soo gudbiyeen dad xoolo dhaqato ah oo Al-Shababa si xoog leh uga qaateen xoolo.

Waxaa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab uga dileen tobaneeyo, ayna dhanka dowladda kaga geeriyoodeen labo askari.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay inay iska difaaceen weerar ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen, iyaga oo doonaya inay kala waregeaan xoolo ay ku sheegeen inay ahaayeen Zako.