Dagaal Xalay ka dhacay deegaanka Qalimow Shabelada Dhexe

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya deegaanka Qalimow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya AlShabaab xalay inay dagaal ku soo qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay halkaasi ku leeyihiin.

Dagaalkaan oo dhexmaray ciidamada Milateriga iyo Shabaab, ayaa inta la og yahay waxaa ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo kala gaaray labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.

Sarakiil Millateriga ka tirsan ayaa xaqiijiyay inay halkaasi ku dhinteen saddex nin oo dhinacyadii dagaalamay ah, ayna iska caabiyeen weerarka Shababa ay soo qaadeen.

Dagaalkaan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay, ayaa goobihii lagu dagaalamay hada waxa ay tahay mid xaaladooda ay degan tahay.

Shabaab ciidankooda oo dhulka duurka ah ku jira ayaa habeen waliba qorsheeya inay weerar ku qaadaan difaacyada ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Gobolada dalka.