Mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi goodax Barre ayaa Maanta waxaa ay kormeer ku tageen Xarumaha qaar ee uu ka socdo Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare eek u yaalla Magalada Muqdisho.
Wasiirka oo ay wehlinayaan taliyeyaal Ciidan ayaa waxaa ay indha-indheyn ku tageen Xarumaha uu ka socdo Imtixaanka,waxaana uu Ardayda kula dardaaarmay inay adkeystaan Maalmaha yar ee uu u socdo Imtixaanka.
Dhamaan Xarumihii ay tageen wasiirka Waxbarashada iyo Xubnaha la socday ayaa waxaa ka socda Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare oo sanadkaan ay ka qeyb galayaan sida la sheegay inka badan 31 Kun oo arday. Sidoo kale goboladda dalka ayaa waxaa maanta ka bilowday imtixaanka Dugsiyada Sare.
Wasiir Goodax ayaa ka hadlay isticmaalka Baraha Bulshada, isagoo sheegay in dowladdu xayiri doonto Social Media haddii ay dareento khatar dhanka imtixaanka ah.
https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=2349432361784634&id=886906464703905