Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa shaqo joojin waxaa uu ku sameeyay Guddoomiye kuxigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa shaqada looga joojiyay Aadan Sheekh Cali Fiidow,waxaana shaqada laga joojiyay ilaa iyo amar dambe.
Sababta shaqo joojinta Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay,kadib markii uu shaqadii ka joojiyay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Engineeriyadda,isagoo aan kala tashan Guddoomiye Yariisow.