Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan 8 badmaax oo u dhashay dalka Hindiya kuwaas oo muddo todobaad ah lagu haystay deegaanka Qararow ee duleedka degmada Hobyo.
Ciidamada ayaa howlgal ay sameeyey ku soo qabtay 4 burcad ah oo heystay ragaan, waxaana burcadaas loo soo qaaday magaalada Galkacyo, halka Badmaaxyadii la soo badbaadiyey ay caawa ku hoyanayaan degmada Hobyo.
Gudoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali Faat ayaa hogaaminayey howlgalka lagu soo furtay ajaanibtaan, wuxuuna u mahad celiyey ciidanka dowlada goboleedka Galmudug ee ku guuleystay in ay soo afjaraan afduubkii lagu haystay ajaanibtaan.
Waxgaradka degmada Hobyo ayaa gacan weyn ka geystay howlgalkaan oo muujiyey inaysan burcad dambe suurtagal u ahayn in ay dad masaakiin ah ku haystaan deeganadaas.