Daawo: Nabadoona Cadaado oo sheegay in la jabiyey balantii MD Farmaajo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotel Central Magaalada Cadaado Nabadoonada Cadaado, waxa ayna ku nuuxnuuxsadeen in la jabiyey balantii ay horey u wada galeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Odayaashan ayaa sheegay in saddex qodob oo heshiiska ka mid aheyd lagu xadgudbay, qodobadaas oo kala ah

  1. in Barlamaanka Galmudug ku shaqeeyo Magaalada Cadaado.
  2. in Muddo 6 bilood ah Cadaado maamulku ku shaqeeyo inta laga diyaarinayo Caasimadda Dhuusamareeb.
  3. in Cadaado madasha dib u heshiisiinta Galmudug.

Odayaasha ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xaaf inuu ka baxay balantii, isagoo dhuusamareeb uga yeeray xildhibaanada si la iskugu daro labada barlamaanka. halkaan ka daawo shirka jaraa’id