Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa maanta laga ciiday, dadweyne farabadan ayaa ku tukaday Barxadda Masaajidka Tabliiqa.
Masuuliyiin iyo Qeybaha Bulshada ayaa goobtaas Salaadda Ciidul Aladxdaa ku oogay. sidoo kale dad badan oo ku nool Magaalada Cadaado ayaanan maanta ciidin. Waxaana Magaalada laga dareemayaa dadka aan ciidin in ay ka badan yihiin dadka ciiday.
Dhanka kale Magaalooyinka Dusmareeb, Cabudwaaq, Guriceel iyo Hobyo ayaanan laga ciidin, sidoo kale Magaalada Gaalkacyo ayaa dadku kala ciideen. Madaxda Galmudug ayaa bulshada ugu hanbalyeeyey ciidda iyadoo inta badan aan maanta laga ciidin deegaanada Galmudug.