Daawo- Cadaado: Banaanbax looga soo horjeedo Tacadiga lagu hayo Dhalinyarada ku xiran Hindiya

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Banaanbax ayey ka qeybgaleen bulshada Cadaado ayaa ka dhacay Bartamaha Magaalada, Banaanbaxaan ayaa looga soo horjeeday Tacadiga lagu hayo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Hindiya.

Dadka Banaanbaxayey ayaa waxaa ku jiray ehelada dhalinyarada xiran, waxa ayna muujiyeen sida xaqdarada ah ee dhalinyaradaas loogu heysto dalka Hindiya, waxa ayna baaq u direen dowlada Soomaaliya in ay ka hortagto dil ay ka cabsi qabaan in lagu xukumo.

Dhankale waxaa Magaalooyin badan ka mid dowlad goboleedka Galmudug ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday Tacdiga dhalinyarada Soomaaliyeed ku haysta xabsiyada Dalka Hindiya.

Comments are closed.