Daacish oo baahisay Sawirka iyo Magaca ninkii fuliyey weerarkii Boosaaso

Wararka Maanta

Nin ka tirsanaa Kooxda Daacish ayaa xalay weerar ismiidaamin ah ka fuliyey bar kontorool oo ay ciidamada Puntland ku lahayeen magaalada Boosaaso, Qaraxan ay waxaa ku dhinteen 4 ruux iyo ninkii fuliyey, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 10 kale.

Daacish ayaa saaka sheegatay in ay weerarka iyagu geysteen, waxaan goordhow soo bandhigeen ninkii fuliyey weerarkaas, oo ay magaciisa ku sheegeen Abu-Qudamaha Almariixaani, magacaas oo ah mid urureed, Ninkaan ayay sheegeen inuu u dhashay Beesha Mareexaan.

Daacish ayaa saldhigga ugu weyn Soomaaliya ku leh gobolka Bari, waxaana muuqata in ay qatar xooggan ku yihiin Amniga Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Boosaaso, waa markii ugu horeysay ee ay Daacish Qarax ismiidaamin ah ka fuliyaan Soomaaliya.

IMG_20170524_031751

DAmET0XWsAAxD4k