Ciidanka Dowladda oo la wareegay Deegaanka Bariire

Wararka Maanta

Taliyaha Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Dowladdu gaar ahaan Kumaandoosta Danab ay saaka maleeshiyada Al-shabaab ka saareen Deegaanka bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in Ciidanka dawladda ayaa jab gaarsiiyey maleeshiyada oo muddo dhibaato ku haysay bulshada deegaankaas, waxayna ciidamadu deegaanka ka wadaan hawlo miinooyinka jidadka looga saarayo, taas oo shacabku ay soo dhaweeyeen.

Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka socda hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab, halka deegaanadii dhawaan laga saarayna ay ka socdaan hawlo shacabka lagu caawinayo maamulana looga hirgalinayo deegaaanada la xoreeyey.

Bariire ayaa ah goobtii ciidanka Mareykanka iyo Danab 2017 ku laayeen dad rayid ah, arintaas fadeexad ku noqotay Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya.